Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta C/kariin Guuleed oo Baydhabo ka wada kulamo looga hadlayo..(Sawirro)

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah ka wada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka Dowladd Goboleedka Koofur galbeed kuwaasoo uu ka dhageystay arragtiyooyinka iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Ergayga ayaa xubnaha ka qeybgalay kulanka uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Umadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaasi ka dib uu ka dhageystay arragtiyadooda, ayagoona soo gudbiyay tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Qorshaha Wadahadallada DFS iyo maamulka Somaliland.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa maalmahan ku sugnaa Baydhabo isagoo intii uu halkaas joogay kulamo la qaatay Madaxweyne Laftagareen iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka K/Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mustafe Cagjar: “Waa lala wareegayaa hantidooda Shaqsiyaadka taageeraya TPLF”

Caydiid Ali

Odayaasha iyo bulshada soo xuleysa kuraas lagu dooranayo Baladweyne oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Weerar 10 qof lagu dilay oo ka dhacay Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---