Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Maamulka Puntland

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka la wareegay degaan lagu magacaabo Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore weeraray degaanka oo aysan joogin ciidamada Puntland, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray iyaga iyo dadka degaanka ka hor inta aysan si buuxda ula wareegin halkaas.

Inkastoo Isgaarsiinta degaankaas ay go’day haddana  Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Al-shabaab ay hoygiisa kala baxeen Guddoomiyihii degaanka Milxo Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo xubno kale.

Khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadday tuulada Milxo ayaan illaa hadda la ogeyn, iyadoo weerarku ku soo beegmay xili Al-shabaab ay maalin ka hor hub kala dageen dooni timid xeebta Durduri oo ku dhow degaanka Milxo taasoo aan la ogeyn halka ay ka timid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -