Jadwalkii doorashada labada Aqal ee Baarlamanka Somalia oo fashilmay

Doorashada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacday waxaana muuqata guud ahaan doorashada Soomaaliya ay dib u soo dhacayso.

Jadwalka doorashada ee ay isla dejiyeen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ayaa qeexaya in 1-da ilaa 10-ka December oo manta ku eg la qabto doorashada aqalka sare, balse wali ma muuqato arrintaas.

Marka laga reebo Guddiyo doorasho oo dowladda ay tababar u furtay ma jiraan talaabo kale oo loo qaaday dhanka doorashada, inkastoo guddiyadaasi muran xoogan laga keenay.

Puntland iyo Jubbaland ayaan weli magacaabin Guddiyada dhankooda ah, iyagoo mid walba uu gaar u tirsanayo tabashooyin u gaar ah.

 

- Advertisement -