Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Maamule ka ahaa Iskuul oo caawa lagu qaarajiyey Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku toogtay nin la sheegay inuu maamule ka ahaa iskuul ku yaalla degmadaas.

Xuseen Maxamed Xuseen ayaa Macalin & Maamuleba ka ahaa Iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Al-Kifaax ee ku yaalla agagaarka Warshada Coca Cola, waxaana caawa lagu dilay agagaarka iskuulkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Weli lama oga sababta loo dilay ninkan Maamulaha ka ahaa iskuulka & cida ka dambeysa.

Dilalka loo geysanayo maamuleyaasha Iskuulada ayaanan ku cusbeyn degmada Yaaqshiid, todobaadyo ka hor ayeyna aheyd markii dilal noocan ah loo geystay labo nin oo maamuleyaal ka ahaa iskuulo ku yaalla isla degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade

Jabuuti oo jawaab ka bixisay eedeyntii kaga timid Dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay Madasha sare ee Iskaashiga Shiinaha & Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---