Dhax Dhaxaadintii Madaxweyne Qoor Qoor ka dhax waday Musharaxiinta iyo Farmaajo oo …

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo dhawaan la kulmay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday in uu dhax dhaxaadiyo dhankooda iyo Villa Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kulankooda Qoor Qoor kaga codsaday in uu dhankiisa wax ka bedelo guddiga doorashada dowlad Goboleedka Galmudug oo la sheegay in ay u badan yihiin Nabad sugid iyo taageerayaasha Farmaajo.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaana Musharaxiinta u balan qaaday in uu wax ka bedelayo guddiga sidoo kale ka shaqeenayo sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee Farmaajo.

Warar soo baxaya oon helnay ayaa sheegaya in uu hada fashilmay waan waantii uu Qoor Qoor ka dhax waday Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Villa Soomaaliya, kadib markii Qoor Qoor fulin waayay balantii aheyd in uu wax ka bedelo guddiga uu soo magacaabay.

Xubno ku dhaw dhaw Midowga Musharaxiinta ayaa noo sheegay in fashilka ka yimid dhinaca Qoor Qoor oo ku adkeestay in uusan wax ka bedelin guddigii uu magacaabay oo qeyb ka ahaa shuruudaha la hor dhigay  si uu dhax dhaxaadin u sameeyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay qaatay go’aan uu guddiga Doorashada Galmudug ku matala uga reebayay guddiyada kale oo hotel lagu xareeyay loona furayay Siminaar, hasa ahaatee Qoor Qoor ayaa badelay go’aankiisa isagoona maanta amray in la xareeyo guddiga.

Qoor Qoor ayaana cadaadis xoogan oo uga yimid dhinaca Villa Soomaaliya ku qasbay in uusan wax ka bedelin guddiga doorashada uu horey u magacaabay , waxa ayna talaabadan meesha ka saareysaa dadaaladii uu waday Qoor Qoor oo dhax dhaxaad isku tilmaamayay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doonaya in uu isku wado Villa Somalia iyo Musharaxiinta Mucaaradka, hasa ahaatee waxaa adag in labada garab u sinaado taas oo meesha ka saareysa in uu cadaalad sameeyo una muuqan doonto in Villa Somalia isku dhiibi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -