Imaaraadka oo ka hadlay Waan waanta laga dhax wado Sacuudiga iyo Qatar

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweysay waan waanta laga dhax wado dowladaha Sacuudiga iyo Qatar oo xiriirkoodu gaaray meeshii ugu xumeyd sidoo keenay in Qatar wadamo dhoor ah kusoo rogaan cunaqabateyn.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga Anwar Gargash, ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan wada xaajoodka laga dhax wado dowlada Qatar iyo Sacuudiga oo xulufo yihiin dowlada Imaaraadka.

Waxa uu sidoo kale Anwar Gargash guul u rajeeyay kulan u dhaxeeya Wadamada Khaliijka ee GCC oo ay katirsan yihiin dowladaha Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn, Kuwait, Cumaan iyo Qatar.

Dowlada Masar oo iyana kamid ah xulufada la safan Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhaweysay wada xaajoodka u socda Qatar iyo Sacuudiga, waxa ayna Masar sheegtay in dhankooda soo dhaweenayaan heshiis la gaaro sadex sano oo khilaaf jiray kadib.

Dowladaha Mareykanka iyo Kuwait ayaa dhax dhaxaadin ka bilaabay dowladaha Qatar iyo xulufada Sacuudiga hogaamiyo, waxaana la filayaa hadii heshiiyaan Qatar iyo Sacuudiga in meesha ka bixi doonaan cunaqabateyntii Qatar horey u saareen xulufada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -