Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Daawo Video: “Qaran jabkii ugu waynaa ee dalka ka dhacay yaa sabab u ahaa..?!

Inkastoo halaagii dhacay aan loo kala harin, hadana waxaa muhiim ah in mudnaanta la kala siiyo qof walibaa dhibka uu u gaystay qaranka soomaaliya iyo midnimadii Soomaaliya burburkeeda, waxaa hubaal ah qof walibaa oo muwaadin soomaaliyeed ah in uusan noqon karin maanta qof nadiif ka ah dhibka ka dhacay dalka.

Hadaba qaran jabkii ugu waynaa ee dalka ka dhacay waxaa sabab u ah markii ciidamadii qaranka lagu amray in ay isku dhiibaan jabhada usoo miciyo soobtay in ay Maxamed Siyaad ka tuuraan xilka, inkastoo khaladkii iyo dhibka ugu waynba loo saarin karo Siyaad Barre laf ahantiisa maxaa yeelay, waxaa haboonayd in uu xilka si dhib la isaga dhiibo, maadaaba balaayo kusoo fool leh uu arkay.

Hadaba Cumar Carte oo dowladii Maxamed Siyaad barre ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa Maxamed siyaad u magacaabay RW markii uu arkay xaaladii oo sii xumaanaysa, laakiin magacaabistaasi masii shaqayn, muddo 25 cesho kadibna waxaa RW mar labaad usoo magacaabay Cali Mahdi Maxamed, wuxuuna markiiba cumar carte ku tilaabsaday khiyaano Qaran, wuxuuna ciidankii qaranka ku amray in ay hubkooda ku wareejiyaan Jabhadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Senatorkii dhawaan is casilay oo isku diiwaan galiyay Doorashada Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa xalay ka dhacay degaanka Kaamjaroon ee J/hoose?

Caydiid Ali