Ra’isul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Uhuru oo ku kulmay Mooyaale (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Mooyaale ee kutaala xadka Kenya iyo Itoobiya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Abiy Axmed iyo Uhuru ayaa si wadajir ah xariga uga jari doona wado cusub oo isku xirta Kenya iyo Itoobiya, wadadan ayaana sahli doonta isku socodka labada dal ee dariska ah kana dhaxeeyaan xariiro ganacsi.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho labo maalin ah ku joogi doona dalka Kenya ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona Madaxweyne Uhuru Kenyatta, labada dhinac ayaana kawada hadli doona xiriirka labada dal iyo xasaradaha kusoo kordhay geeska Afrika.

Booqashadan uu Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku aaday Kenya ayaa kusoo aadeysa xili xasaasi ah uu guda dalka Itoobiya ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogaga taabacsan TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -