Yuusuf Indha Cadde oo shaaciyay in ay Difaacayaan Musharaxiinta Mucaaradka

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya dhawaana la sheegay in loo magacaabay taliyaha amniga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay in ay difaacaan musharaxiinta.

Wareysi uu bixiyay Jeneraal Yuusuf Indha Cadde ayuu ku sheegay in diyaar u yihiin in ay difaacaan Musharaxiinta Madaxweyne ee kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna cadeeyay in sidan oo kale afar sano kahor u diifaaceen Farmaajo oo musharax ahaa.

”Waxaan diyaar u nahay in aan difaacno musharaxiinta Madaxweyne xitaa anaga oon nala magacaabin, Farmaajo shalay markii uu musharax ahaa waan difaacnay, waxaana hadana diyaar u nahay in musharaxiinta kale sidaas oo kale u difaacno” ayuu yiri Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Musharaxiinta in ay xaalada dejiyaan, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba cid ka ogolaan doonin in wax boobaan dadkana handadaan.

” Madaxweyne Farmaajow xoog kuma aadan imaan,boob iyo lacag kuma aadan imaan, dadkii Soomaaliyeed ee kuu banaan baxay mooraalkooda ilaali , dadku kuma qanacsana sida ay hada wax u socdaan, cid wax boobi kartana ma jirto” ayuu yiri Indha Cadde.

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya sameesteen saraakiil iyo ciidamo gaar ah oo ugu tala galeen in ay difaacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -