Amiir Carbeed oo Iibsaday Koox kubada cagta oo Neceb Muslimiinta iyo Dalalka Carabta

Amiir u dhashay dalka Imaaraadka Carabta kana tirsan Qoyska boqortooyada Abu Dhabi ayaa saxiixay heshiis uu ku maalgashanayo kooxda kubada cagta Beitar Jerusalem ee laga leeyahay Israa’iil.

Sheekh Xamad bin Khaliifa Al Nahyaan, ayaa la wareegaya milkiyada 50% kooxdan Israa’iil laga leeyahay kana ciyaarta Horyaalka heerka 1-aad ee Israa’iil, waxa ayna kooxdan kamid tahay kooxaha ugu waa weyn ee dalkaasi ka jira.

Kooxda Beitar Jerusalem, ayaa kamid ah naadiyada sida weyn uga soo hor jeeda siyaasadaha dalalka Carabta iyo shacabka Falastiiniyiinta, mana jiro ciyaartoy Carab kasoo jeeda oo kooxdan u ciyaara.

Bayaan lagu shaaciyay bogga internet-ka ee kooxda Beitar Jerusalem ayaa lagu shaaciyay in sidoo kale Sheekh Xamad bin Khaliifa Al Nahyan uu diyaar u yahay inuu kooxdan ku maalgaliyo lacag ka badan $92.18 milyan oo doolar, tobanka sano ee soo socota.

Kooxdan uu iibsaday Amiirkan Carbeed ayaa shaacisay in ay sameesan doonto golle cusub maadaama maamulkeeda uu hada wax iska bedelay kuna soo biiray malkiile cusub oo u dhashay Imaaraadka.

Iibsashada Amiirkan u dhashay Imaaraadka Carabta kooxda ka dhisan Israa’iil ayaa imaaneysa xili heshiis gaareen Dowlada Imaaraadka iyo maamulka Israa’iil , waxa ayna ganacsatada Imaaraadka bilaabeen in maalgashi ka sameeyaan Israa’iil.

Wadamada Islaamka ayaa aad u neceb kooxaha kubada cagta ee ka dhisan Israa’iil, waxaana hadal heyn badan abuuray Amiirkan u dhashay Imaaraadka ee iibsaday kooxdan ka ciyaarta Horyaalka Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -