Maxey Qabanayaan Guddiga Farsamo uu magacaabay Rooble ee ku shiraya Baydhabo ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga farsamo ayaa la filayaa in uu shir uga furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed , waxaana Guddigan farsamo gogol xaar u yihiin  Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid ayaa sheegay in guddiga farsamo ee Baydhabo ku shiraya gogol xaar u yihiin shirka la filayo in ay isugu yimaadaan Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Shirkan wuxuu daba socdaa shirkii wadatashiga looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, guddiganna wuxuu turxaan bixin ku sameyn doonaa arrima fara badan, wuxuu u gogol xaari doonaa shirka ay madaxda isugu imaan doonaan, iyagoona ka doodi doona waxyaabo badan oo la xiriir arrimaha khilaafka doorashooyinka kahor inta aysan madaxda isugu imanin shir”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid .

Wasiirka waxa uu sheegay qodobada kasoo baxa shirkan uga furmaya magaalada Baydhabo in ay u gudbin doonaan Madaxda maamuladooda kuwaa uu sheegay in iyana usii usii gudbin doonaan Madaxda Dowlada federaalka.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa rumeesan in shirkan ay isugu imaanayaan guddiga farsamo kaliya yahay madadaalis balse aysan kasoo baxeyn natiijo wax ku ool ah, maadaama Madaxda iyaga ka sareysa horey ugu kala tageen shirkii Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -