Booliska Somaliland oo Hargeysa ku xirxiray rag gacmaha kula jiray farsameynta..

Somaliland ayaa xabsiga dhigtay rag lagu qabtay iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku farsameynaya Magaalada Hargeysa ee caasimadda  Somaliland.

Booliska ayaa la sheegay in ay galeen goob si qarsoodi ah loogu sameynayay Baasaboorka Soomaaliga, iyagoo soo qabtay shan nin oo ka shaqeynaysay.

Saraakiisha Somaliland wali kama hadlin talaabada ay ciidamada Boolisku ku soo qabteen raggan ku eedaysan inay baasaaboorka Soomaaliya ku samaynayeen magaalada Hargeysa.

Sameynta Baasaboorka Soomaaliga ayaa laga mamnuucay degaanada Somaliland, maadaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale, ayna ku dhawaaqday 27 sano ka hor iney tahay dowlad madax banaan inkastoo aysan aqoonsi ka helin caalamka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -