Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur oo goordhaw imaanaya Muqdisho digniin adagna u diray Dowlada

Hoggaamiyaha Mucaaradka ugu saameynta badan Dowlada Federaalka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa lagu wadaa in goordhaw uu kasoo dago garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhaweynta siyaasigan ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, waxaana qaar badan oo kamid ah taageerayaashiisa ay hadaba ku sugan yihiin garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in daqiiqadaha soo aadan uu imaanayo magaalada Muqdisho, waxa uuna u mahad celiyay taageerayaashiisa u taagan sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen.

Siyaasigan ayaa uga digay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay carqaladeyso soo dhaweynta ay taageerayaashiisa u sameenayaan , waxa uuna ugu baaqay dowlada in ay ilaaliso Dimuquraadiyada iyo isu soo baxyada xisbiyada.

”Waxaa uga digayaa dowladda Federaalka inay carqaladeyso imaanshaheyga, in nidaamka la ilaaliyo, lana ixtiraamo dimoqraadiyadda iyo isku soo baxa Xisbiyada”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa mudo bilooyin ah ka maqnaa dalka isagoo safaro kusoo maray wadamo badan, waxa uuna Siyaasigan kamid yahay raga sida weyn uga soo horjeeda siyaasada uu dalka ku hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xusuusta maanta oo kale 21kii Oktoobar intii u dhexeysay 1969-1990 (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaarada arrimaha gudaha oo digniin ka soo saartay doorashada Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali

Haweeney kufsi badan geesatay oo laga musaafurinayo dalkeeda hooyo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---