Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ikraan Tahliil hooyadeed: “Waa wax laga xumaado talaabada uu qaaday Farmaajo”

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Ikraan Tahliil Faarax hooyadeed ayaa uga mahad celisasay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya go’aanka uu shaqada uga joojiyay Agaasimihii hay’adda NISA oo ay sheegtay iney ku tuhmeyso dilka gabadheeda oo ka tirsaneyd Hay’adda Nabad sugida Qaranka.

Waxay ugu baaqday Ra’iisul Wasaaraha inuu horay u wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil illaa uu ka miro dhaliyo, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin.

Dhinaca kale Qaali ayaa uga digtay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu hor istaago cadaalad u raadinta gabadheeda, sidoo kalena uu joojiyo difaaca saaxiibtinimada ku saleysan ee Fahad Yaasiin.

“Madaxweyne adigaba caruur waad dhashay, waadna dareemi kartaa xanuunka ay leedahay marka aad weyso ubad aad dhashay oo nolol iyo geeri midna lagu sheegin” ayey tiri hooyo qaali

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu Shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, sababo la xiriira kiiska dilka Ikraan Tahliil,  balse waxaa diiday xilka ka qaadistaas Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amb. Fardowsa: “𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐤𝐞𝐫𝐞𝐫𝐞 𝐇𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝a 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐮𝐥𝐚 𝐭𝐚𝐜𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

Caydiid Ali

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

Cabdi Cade

Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyey Marxuum C/casiis Afrika oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---