Kooxo oo hubeysan oo goor dhow dil qorsheysan ka geystay Suuqa Bakaaraha

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney goor dhow oo barqadii ah ku dileen Suuqa Bakaaraha askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka taraafikada.

Dilka ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Bakaaraha xili uu askarigaas ku guda jiray shaqo maalmeedkiisa, uuna kala hagayey gaadiidka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay ka dambeeyeen dilka askarigaas, kuwaasoo ka baxsaday goobta.

Ciidamada amaanka oo ku sugnaa meel ku dhow goobta lagu dilay askarigan ayaa ku fashilmay iney gacanta ku dhigaan ragga dilka geystay.

Al-Shabaab ayaa sii kordhiyey weerarada iyo dilalka ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -