Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Sidee roobabkii cuslaa u saameeyeen Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose?

Iyadoo roobab lixaad leh ay maalmahan ka da’ayeen gobolka geeska Afrika ayaa meelaha uu saameeyey waxaa ka mid ah Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose,

Wararka ayaa sheegaya in roobku jaray wadooyinka qaar ee magaaladaas, uuna burburiyey guryo badan oo ay ku noolaayeen qoysas badan.

Inkastoo aan la soo sheegin khasaare nafeed oo ay roobabkan ka geysteen magaalada Marko iyo nawaaxigeeda ayaa haddana guud ahaan magaalada waxaa ka muuqata saameynta ka dhalatay roobkan.

Gobolka Sh/hoose oo ka mid ah gobolada ugu kheyraadka iyo wax soo saarka badan Somalia ayaa waxaa sanadahan ka jiray colaada wejiyo kala duwan leh oo isugu jira kuwo beeleed iyo qaar kale, kuwaasoo hoos u dhigay wax soo saarkii gobolkaasi uu caanka ku ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo laga gudoomay Warqadaha aqoonsiga

Caydiid Ali

Ogow Waxa uu sharciga ka qabo Darajo ka xayuubintii Farmaajo ku sameeyay Saadaq Joon

Cabdi Cade

Nancy Pelosi oo jeex jeexday Warqado uu u dhiibay Trump kadib markii uu salaan ka qaadi waayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---