Nancy Pelosi oo jeex jeexday Warqado uu u dhiibay Trump kadib markii uu salaan ka qaadi waayay (Daawo Sawirada)

Xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo afhayeenka aqalka Koongareeska, Nancy Pelosi ayaa meel xun gaaray ,waxaana hadal heynta ugu badan Warbaahinta caalamka ay noqotay dhacdo labadan masuul dhax martay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad kahor jeediyay aqalka koongareeska, waxaana markii uu khudbada dhameeyay arin dad badan layaab ku noqotay dhax martay Trump iyo afhayeenka Aqalka Koongareeska.

Trump ayaa markii uu khudbada dhameeyay isaga oo gacanta ku heysta labo nuqul oo kamid ahaa khudbadii uu jeediyay ula soo dhaqaaqay goob ay fadhiyeen Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka iyo afhayeenka Aqalka Koongareeska.

Nancy Pelosi, ayaa markii warqadaha ay ku qornaayeen khudbada u dhiibay Trump u taagtay salaan hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa iska indho tiray kana dhaqaaqay, waxa ayna taasi keentay in Nancy ay jeex jeexdo warqadihii uu Trump u dhiibay .

Afhayeenka ayaa markii ay waraaqaha jeexjeexday ku hordaadisay miiskii ay fadhiday, waxaana wajigeeda laga dheehan karay caro iyo in aysan ku qanacsaneyn sida uu Trump ula dhaqmay.

Dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Trump iyo Afhayeenka Aqalka Koogareeska oo ka kala tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dumuquraadiga ayaa meel xun sii gaaray, lamana oga waxa uu ka qabo sharciga Mareykanka ficiladii ay labadaba ku dhaqmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -