Xildhibaano katirsan Golaha Wakiilada Puntland oo Xasaanada laga qaaday (Magacyada)

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo kulan aan caadi aheyn saakay ku yeeshay xaruntooda magaalada Garawe ayaa xasaanada looga qaaday qaar kamid ah Xildhibaanada maamulkaasi oo kahor yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland ayaa Xildhibaanada kahor akhriyay eedeemaha ka dhanka ah 8-xildhibaano katirsan Baarlamaanka , waxa uuna Xildhibaanadan ku eedeeyay in ay ku kaceen falal lidi ku ah xeerka iyo anshaxa golaha.

Waxa uu sidoo kale Xeer ilaaliyaha maamulka Puntland ku eedeeyay xildhibaanadan xasaanada laga noqday in ay in ay iska hor keeneen gollaha dhexdiisa, ayna ku shaqeenayeen rabitaanka siyaasado guracan oo banaanka laga soo abaabulay.

Baarlamaanka Puntland ayaa eedeymaha kadib gudaha galay in ay cod u qaadaan in xasaanada laga qaado xildhibaanadan lasoo eedeeyay, waxa ayna Xildhibaanada qaab gacan taag ah ku ansixiyeen in xasaanada laga qaado Xildhibaanadaasi.

Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay in 35-Xildhibaan ogolaadeen in xasaanada laga qaado Xildhibaanada la eedeeyay, waxaa diiday sadex Xildhibaan halka uu ka aamusay hal Xildhibaan oo kale.

Halkan ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada xasaanada laga qaaday

1-Maxamuud Axmed Caalim

2-Muuse Siciid Xassan (Jajabsay)

3-, Suleebaan Faraax Ciise

4- Cabdiqani Abshir Surato

5-Cabdiraxmaan Diiriye Carab

6-Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre)

7-Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye)

8-Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -