Xog Dheeraad ah oo laga helay Qaabkii Al Shabaab u dileen Sargaal katirsan CIA-da Mareykanka

Sarkaal ka tirsan CIA-da Maraykanka ayaa dhintay intii uu socday duullaankii ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Ameerikaan ah bishii November la beegsadeen xero muhiim ah oo loo maleynayo in uu ku sugnaa sarkaal sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab oo Maraykanku ku eedaynayo in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore, sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay The Guardian.

Sarkaalkaan ayaa la socday ciidamo gaar ah oo isugu jira Soomaali iyo Mareykan intii uu socday howlgal ka dhacay deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose, oo ah tuulo xeebeed qiyaastii 30 mayl dhanka koonfur-galbeed ka xigta magaalada Muqdisho, wuxuuna dhintay markii dagaalyahano ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay qarxiyeen baabuur ay wateen daqiiqado ka dib markii weerarku bilaabmay 6. Nofeembar sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la shaqeeya cutubka ciidamada gaarka ah ee “Danab” ee uu Mareykanku tababaray ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa yiri: “Saraakiisheenna waxaa taageeray saraakiisha Mareykanka. Waxaan duulnay 2am ee habeenkaas. Askarta ayaa ka degay diyaaraddo oo waxa Ay lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay saaxiibkeenii Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisheenna [Soomaaliya]. ”

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka la bilaabay kadib markii la helay macluumaad sheegaya in seddex taliye sare oo ka tirsan al-Shabaab ay habeenkaasi ku ku hoyan doonaan deegaanka Gendershe. Kuwaas waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Cismaan Maxamed, khabiir ku xeel dheer bam-gacmeed isla markaana Maraykanku rumeysan yahay in uu mas’uul ka ahaa samaynta qaraxyo waawayn oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaan “Injineer Ismaaciil”ayaa dhowaan dowladda Mareykanku ku dartay “argagixisada caalami ah oo si gaar ah loogu aqoonsaday”, tallaabadaas oo xayiraysa wixii hanti ah ee uu ku lahaan karo gobollada Mareykanka isla markaana ka mamnuucaya dadka Mareykanka in ay wax ganacsi ah la yeeshaan sida uu qoray wargayska Afka dheer The Guardian.

Liiska ayaa sheegaya in 36-jirka uu yahay khabiir sare oo Al shabaab u qaabilsan walxaha qarxa, madaxa garabka warbaahinta ee al-Shabaab iyo lataliyaha muhiimka ah ee Axmed Diiriye, hogaamiyaha ama “amiirka” dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Al Shabaab.

Maxamed ayaa sidoo kale loo haystaa inuu maleegayay weeraro is xigxigay sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan weerarkii bishii Janaayo lagu qaaday xero milatari oo ku taal Kenya oo lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle oo Mareykan ah.

Laakiin weerarkii Gendershe wuxuu ahaa mid fashilmay. Is rasaaseyn 40 daqiiqo socotey ka dib, ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Soomaaliya ayaa dib u gurtey. “Howlgalka ma guuleysan. Ma aanan helin bartilmaameedkeenii, ”ayuu yiri sarkaal kale oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay iska hor imaadka, waxaana ay sheegteen in ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ka dib markii ay ka war heleen howlgalka. “Askar Mareykan ah oo ay wehliyaan ciidamada Soomaaliya ayaa weeraray saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen Gendershe. Waxaan helnay sirdoon ah in ay imanayaan. Diyaar ayaan ahayn oo dagaal qaraar ayaa qarxay. Tiro saraakiil ah ayaa ladilay oo uu kujiro sarkaalka CIA, ”Abu Maxamed, oo ah sarkaal katirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay the Guardian.

Sarkaalka CIA-da ah lama sheegin magaciisa, laakiin New York Times ayaa ku warantay inuu xubin ka ahaa waaxda sirdoonka ee CIA, Xarunta howlgaladda Gaarka ah, iyo sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidanka bada Maraykanka “Navy Seal”. Saraakiisha CIA-da ayaa mararka qaar lasocda cutubyo militariga Soomaaliya marka ay weerarayaan saldhigyada Al Shabaab ee Koofurta Soomaaliya.

Inta udhaxeysa 650 ilaa 800 oo askari oo Ameerikaan ah ayaa ka howlgalaya Soomaaliya, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay. Pentagon-ka waxaa loo maleynayaa in ay u badan tahay inuu la baxo dhammaan ama inta badan ciidamada Mareykanka ee haatan ku jira tababarka iyo howlgalada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee dalka illaa bisha Janaayo iyadoo la raacayo awaamiirta madaxweynaha Maraykanka ee waqtigiisu dhamaaday ee ah in la keeno ciidamo ku sugan Bariga Dhexe, Soomaaliya iyo Afghanistan.

Saraakiisha maxalliga ah iyo khubarada ayaa sheegaya in tallaabadaas ay dhabar jab weyn ku noqonayso dadaallada maxalliga ah ee ka hortagga Al shabaab, gaar ahaan cutubyada sida ciidamada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya oo aad ugu tiirsan taageerada saadka Mareykanka, sirdoonka iyo tababarka.

Mareykanka, xulafada gobolka iyo dowladda Soomaaliya waxa ay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen istiraatiijiyad wax ku ool ah oo looga hortago Al-Shabaab, oo ah Xooggag firfircoon oo soo ifbaxay ku dhowaad 15 sano ka hor, inkastoo Maraykunku rumaysanyahay in uu wiiqay awooda Al Shabaab ka dib sano uu waday duqaymaha ay gaysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Macallin Ayman, oo ah hoggaamiyaha unug ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, ayaa sidoo kale waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka bishii la soo dhaafay ku dartay liiska argagixisada adduunka.

Weerarkii ugu dambeeyay ee bambaano oo ay sheegteen Al-Shabaab, ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu dilay tiro intaa ka badana waa lagu dhaawacay waxa uuna ka dhacay Maqaayad caan ah oo ku taal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya habeenkii Sabtidii. Labo todobaad ka hor, shan ayaa ku dhimatay weerar kale oo ismiidaamin ah oo lagu qaaday maqaaxi u dhow akadeemiyada booliska ee magaalada Muqdisho.

Xigasho Mustaqbal Radio

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -