Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo kulamo xasaasi ah ka wada Nairobi

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ayaa sheegaya inuu kulamo albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS), Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, iyo Taliyaha Sirdoonka Ciidamada Difaaca Kenya (KDF).

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda kacsan ee Jubbaland.

Xamse Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta Kenya iney garabkiisa ka baxaan kana soo horjeestaan Axmed Madoobe ama ay ku qasbaan inuu u hogaansamo DF

Dowladda Kenya, oo ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya isla markaana ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaasoo intooda badan ku sugan gobolada jubooyinka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland uu fursad siiyo xoogaga Al shabaab ee ku sugan jubooyinka.

Xamse ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada waaweyn ee beesha Absame isagoo kala hadlay iney wax ka qabtaan gadoodka Axmed Madoobe kuna soo celiyaan tubta dowladnimada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Axmed Madoobe looga yeeray Kenya si uu kulamo xasaasi ah oo lagu xalinayo khilaafka ula yeesho Xamse Barre, saraakiisha Kenya iyo waxgaradka beeshiisa.

 

Related posts

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo Maqaal xiiso badan ka qoray Isbaheysiga Saddex Geesoodka

Cabdi Cade

Wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Lammaane maray tijaabadii ugu adkeyd dhinaca Jaceylka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---