(Sawirro) Dowlad ka tirsan Yurub oo Somalia ka cafisey deyn gaareysa $306 Milyan oo dollar

Dowladda Faransiiska ayaa ka cafisay dowlada Soomaaliya deyn lacageed oo gaareysa 306 milyan oo dollar kadib heshiis ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa Muqdisho dowlada Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo halka dowlada Faransiiskana uu u saxiixay Safiirka Dowladda Faransiisika ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Ménager

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib u waramay Warbaahinta Qaranka wuxuu sharxay muhiimada ay nooledahay heshiiskan.

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan nagu leh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyay” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisa ku daray in lacagaha soo harray lagu heshiiyay in muddo 3 sano gudohood ah hadii Soomaaliya ay deymo kale qaadan laga cafin doono.

Hore Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay Wadamo iyo Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda gudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -