Shacab lagu laayey duqeyn ka dhacday Magaalada Hodeida (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku naf waayey duqeyn ka dhacday Magaalada dekeda ah ee Hodeida oo ku taalla Yemen, waxaana duqeyntaas geystay isbaheysiga uu hogaaminayo sacuudiga ee dagaalka kula jira xoogaga xuutiyiinta ee magaaladaas gacanta ku haya.

Isbitaalada magaalada Hodeida ayaa waxay codsanayaan deeq dhiig oo deg-deg ah. Hay’adda caalamiga ah ee Bisha Cas ayaa sheegtay in ay isbtilaalada u direyso qalabka qalniinka si loo daweeyo 50 qof oo dhaawac culus ka soo gaartay duqeynta.

Dadka la laayay amaba la dhawacay ayaa waxaa u badnaa kaluumeeysatada degaanka oo ku sugnaa suuqa kaluunka.

Inta badan dhawaaca ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Al Thawra waxaana banaanka isbitaalka yaalay laba gaari oo ambalaas ah, oo ay waxyeello soo gaaratay waxayna taasi muujineysaa sida uu xitaa isbitAalka ugu sigtay inay dhibaato ka soo gaarto duqeynta.

Suuqa kaluunka ayaa aad ugu dhaw afka hore ee badda Hodeida. Intii uu socday dagaalka yemen Dekadda ayaa noqotay furin dagaal.

Lix toddobaad ka hor, xuladafda uu sacuudiga hoaamiyo ayaa dagaal culus ku qaaday dagaalyanada xuutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida si ay gabi ahaanba uga nadiifiyaan magaalada.

Hay’adaha deeqbiyeyaasha ayaa ka digay in khash-khaad kasta oo ka dhaca magaalada dekedda ah ee Hodeida uu nolosha malaayin qof oo reer yemen ah cariiri galinayo.

Saddex sano iyo dheeraad ayuu dalka Yemen la daalaa dhacay dagaal sokooeye, kaas oo ay ugu yaraan ku dhinteen 10,000 oo qof, boqolkiiba 75 dakaasina waxa ay ahaayeen rayid. Waxaa sidoo kale dagaalka ku barakacay malaayin qof oo macluul qarka u saaran sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -