Cumar Filish: “Naguma handadi karaan Hawiye ayaan nahay qori ayaan soo qaadaneynaa”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray siyaasiyiinta iyo musharaxiinta shirku uga socday Muqdisho ee maanta soo soo saaray War murtiyeedka.

Cumar Filish oo ka hadlayey kulan lagu taageerayey DF oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay iney magacowdo guddiga doorashooyinka.

“Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Raisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu Gudoomiyihii gobolkaan ahay, gobolkaanm masuuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Haweiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid” ayuu yiri Cunmar Filish oo caro badan ay ka muuqatay.

Cumar Filish ayaa intaas ku daray in xasiloonida magaalada Muqdisho aysan gorgortan ka geli doonin, ayna talaabo cad ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda iney wax u dhinto.

“Kuma dhici karaan iney qashqashaadaan xasiloonida aanu wada ognahay inta wiil ee nooga dhimatay, ogaada kuwa soo diray ayey u muujinayaan iney u shaqeeyaan,  xaqiiqadu waa sidaas, hadii ay isku dayaan iney qalalaase abuuraan ALLE ayaa inoo sheegay talaabta aan ka qaadi laheyn” ayuu yiri Cumar Filish oo soo daliishaday aayad quraan ah oo tilmaamaysa munaafiqiin uu ALLE sheegay in la dili doono.

“Bbootada ay akhrinayaan car afka hasoo dhaafto, haddii ay soo dhaafto maxaa dhacayo meeshii laga soo diray ayey u carari doonaan warkaa ha i loobina” ayuu intaas ku daray Cumar Filish.

Hadalka Cumar Filish oo ah mid aan looga baran oo ka dhan ahaa musharaxiinta ku shirsanaa Muqdisho ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada iyadoo dadku ay ka dhiibayaan aragtiyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -