Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida oo loogu baaqay in shaqada ka tago iyo hal arin oo sabab u ah

Musharaxiinta shirka ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in iska casilo agaasimaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

War Murtiyeedka kasoo baxay shirka Musharaxiinta ugu soo gabo gaboobay Hotelka Jaziira ayey ku sheegeen in Fahad Yaasiin uu noqday madaxa ololaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna ugu baaqeen in xilka NISA isaga tago.

” Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin waa in uu baneeyaa xilka hay’adda NISA , maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada Musharax Madaxweyne Farmaajo, si loo sugo dhax dhaxaadnimada Hay’adda NISA.” ayaa lagu yiri Warka Musharaxiinta.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Fahad Yaasiin in uu ku milmay siyaasada kana shaqeenayo sidii mar kale dib loogu soo dooran lahaa Madaxweyne Farmaajo oo mudo xileedkiisu hada gabo gabo yahay.

Fahad Yaasiin oo la tilmaamo in uu yahay  ninka ugu saameynta iyo awooda badan xiligan dowlada federaalka ayaa la sheegay in isagu soo xulay inta badan xubnaha guddiga dooarshooyinka ee kasoo horjeesteen musharaxiinta Madaxweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -