Dowlad Weyn oo Qunsul Sharafeed u fadhiya Somalia u magacawday Ganacsade Ismaaciil Gooni (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Indonesia  Joko Widodo ayaa Qunsul sharafeed dowladiisa u fadhinaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho usoo magacaabay Ganacsade Ismaaciil Cabdulaahi Siyaad (Gooni) oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Munaasabad balaaran oo lagu daah furayay xafiiska Qunsul Sharafeedka dowlada Indonesia u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabada kasoo qeyb galay, Siyaasiyiin, Ganacsato, Culumaa’udiin , Aqoonyahano iyo Dhalinyaro.

Ganacsade Cali Cabdulle Maxamuud (Cali Dheere) oo ka hadlay munaasabada furitaanka xafiiska Qunsulka Indonisa u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin soona dhaweenayaan, waxa uuna xusay in Qunsulka uu yahay nin kasoo bixi kara jagadaasi uu ku sharfay Madaxweynaha Indonesia.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabeyre , waxa uuna sheegay Gudoomiyaha in Ismaaciil Gooni lagu sharfay in uu Qunsul u noqdo dowlada Indonesia, kadib tartan adag oo loo galay jagadaasi laguna xushay kartida iyo aqoonta uu leeyahay.

Waxa uu sheegay Gabeyre  in uu ka rajeenayo Qunsulka  in uu ka shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Indonesia iyo sidii dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo ardayda loogu fududeyn lahaa Viisaha Indonesia.

Munaasabada daahfurka Xafiiska Qunsulka Indonesia u fadhiya Soomaaliya waxaa sidoo kale ka hadlay aqoonyahano wax kusoo bartay dalka Indonesia, waxa ayna sheegeen in ay ku farxsan yihiin Qunsulka cusub kana rajeenayaan in wax badan ka qabto xiriirka labada dal.

Ugu Dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Qunsulka dowlada Indonesia u fadhiya Soomaaliya Munadane Ismaaciil Cabdulaahi (Gooni), waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii Soomaaliya iyo Indonesia xiriir wanaagsan usii yeylan lahaayeen.

Waxa uu sheegay Qunsulka in uu wakiil ka yahay badqabka iyo la socodka xaaladaha dadka u dhashay Indonesia ee jooga ama yimaada Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in uu si dhaw ula socon doono heshiisyada labada dal ee Soomaaliya iyo Indonesia.

Qunsulka ayaa sidoo kale balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii Ganacsatada Soomaaliyeed wax soo saarka dalka ugu dhoofin lahaayeen dalka Indonesia uu hada sheegay in aan wax loo dhoofin balse sanad kasta laga keeno badeeco ku fadhida lacag gaareysa 100-Milyan oo Dollar.

Ganacsade Ismaaciil Cabdulaahi Siyaad (Gooni) oo kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa nasiib u yeeshay in Madaxweynaha Indonesia ku sharfo in Soomaaliya uga noqdo Qunsul, waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -