Wajigii ugu dambeeyay Howlgalka ka socda gobolka Tigrey oo bilowday iyo Taangiyo …

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa bilaabay wajigii ugu dambeeyay howlgalka ay kula dagaalamayaan ciidamada iyo xoogaga daacada u ah maamulka gobolka Tigrey ee dagaalka kala soo hoejeeda Xukuumada Adis Ababa.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in uu bilowday wajigii ugu dambeeyay howlgalka lagu soo afjarayo xoogaga Tigrey kadib markii uu dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay isku soo dhiibaan.

Abiy Axmed ayaa sheegay in xoogaga kasoo horjeeda ay wajihi doonaan dagaal adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka ku sugan magaalada Makelle ee caasimada Tigrey in guryahooda ku sugnaadaan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in kumanaan dagaalyahano ah oo katirsanaa xoogaga Tigrey ay isa soo dhiibeen iyaga oo ka faa’iideesanayay baaqa dowlada.

Ciidamada federaalka Itoobiya oo adeegsanaya taangiyo iyo hub culus ayaa la filayaa in duulaan xoogan ku qaadaan magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxaana laga cabsi qabaa in magaaladaasi ka dhaco dagaal dhiig badan ku daato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -