Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Faahfaahin: Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidnimadii ka dhacay deegaan hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kaasoo dhexmaray labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka qarxay degaan lagu magacaabo Nagaarta, wuxuuna salka ku haya muran la xiriira Baraago biyo laga cabo oo muddo lagu dirirsanaa.

Labada beelood ee dagaalamay ayaa ka heshiiyey muranka ka taagnaa baraagaha la isku heystay sida dadka degaanku sheegayaan, lamana oga waxa dib u soo celiyey colaadan.

Ku dhawaad 10-qof ayaa ku geeriyootay dagaalka, waxaana jira tiro dhaawacyo ah oo la kala gaarsiiyey Isbitaallada degmooyinka Matabaan iyo Beledweyne oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Illa hadda ma jirto cid ku baxday goobta dagaalameen labadaas maleesho beeleed, waxaana saaka lasoo sheegayaa in labada dhinacba ay wadaan hub iyo gurmad uruursi, iyadoo laga cabsi qabo in deegaanka uu mar kale dagaal ka qarxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo tagay xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk (Sawirro)

Cabdi Cade

Cusmaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyey

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oo si KMG ah u xirtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif

Cabdi Cade
Taboola Ads ---