Cusmaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyey

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo maanta geeriyooday.

Madaxweynaha ayaa ugu duceeyay Marxuumka in uu Alle geeyo Janadii, wuxuuna sheegay in uu ahaa shakhsi ku weyn ummada Soomaaliyeed iyo Shacabka Puntland, kana soo qeyb qaatay Dowlad dhiska Puntland iyo  hoggaaminta Hay’adaha Dowladda oo uu soo noqday Guddoomiyaha Golah Wakiillada.

“Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland , Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo maanta geeriyooday, waa garab weyn oo ka baxay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Dowladda iyo Shacabka Puntland.

Wuxuu ahaa masuul wax badan usoo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuu  ka mid ahaa budhigayaashii dhidibada u taagay Dowladda Puntland, isagoo markii danbena hoggaamiyey Hay’adda Sharci dejinta.

Waxaan u tacsiyadeeynayaa Shacab weynaha Puntland, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumku. Alle ha u danbi dhaafo dhammaanteena Samir iyo Iimaan Alle ha inaga wada siiyo , Aamiin”. ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -