Madaxweynaha Somaliland oo tagay xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada New York ee isla dalka Maraykanka.
 
Muuse Biixi iyo xubnaha la socday ayaa tagay xarunta guud ee Qaramada Midoobay , waxa uuna halkaasi kulan kula qaatay mid ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
 
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen oo ay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ku lafo gureen arrimo muhiim u ah maamulka a Somaliland, ayaa markuu soo dhammaaday waxa ka warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo kulanka ku wehelinayey madaxweynaha, waxaana ka mid ahaa nuxurka warbixinta wasiirka
 
“Maanta waxa aanu kulan la yeelanay mid ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo aanu kala hadalnay qadiyada Somaliland iyo sidii ay Qaramada Midoobay kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin lahayd Somaliland, iyadoo aan cidna loo soo marin.
 
Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi “Sidoo kale waxa aanu kala hadalnay horumarinta beeraha, Kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka ee da’a aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xidheeno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waanu isla qaadanay fikradahaas, waxaanu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hooyatay”.
 
Kulanka ka dibna weftiga Madaxweynuhu waxay dib ugu laabteen Washington DC oo ay ka sii wadan doonaan hawlihii shaqo ee ay halkaa u joogeen, iyagoo maalintii sagaalaad ku sugan dalka Maraykanka weftiga madaxweynuhu.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -