Laftagareen oo jawaab kulul siiyey Musharaxiinta shirku uga socdo Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo xalay hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf aheyd oo loo sameynayey ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan guddiyada maamulaya.

Laftagareen ayaa sheegay in guddiyada hadda laga cabanayo afar sano ka hor sidan oo kale loo magacaabay.

“Dadka shiraya ee diiddan guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan, waxa wanaagsan ee aan samaynayno, dib ha u fiiriyaan waxay horay u soo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad horay u soo sameyseen” ayuu yiri Laftagareen.

Waxa uu sheegay in dadkii ugu haboonaa ay u xusheen xubnaha ku metelaya guddiyada, isagoo goobta ka yeeriyey magacyadooda, waxuuna sheegay inaysan wax xil ah ka heyn Koonfur Galbeed ama dowladda dhexe toona.

“Dadka guddiyada ka cabanaya qaarkood ha is weydiiyeen adigu maxaad soo sameysay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

C/casiis Laftagareen oo u jawaabayay C/raxmaan C/shakuur hadalkii uu shalay jeediyay ayaa yiri “Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay anagoon 4.5 eegin ayaan dhexdhexaad idiin noqonaynaa”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -