Israel oo qiratay booqashadii Raisul wasaare Netanyahu ku tagay Sacuudiga

Wasiirka Waxbarashada Israel Yoav Galant xubinna ka ah xisbiga Likud, ayaa qiray warar ay warbhaaninta Israel tabisay oo sheegayay in ra’isal wasaaraha dalkaas Benjamin Netenyahu uu socdaal qarsoodi ah ku tagay dalka Sucuudiga

Yoav Galant oo waraysi siiyey Raadiyowga milatariga Israel ayaa booqashadaas ku tilmaamay mid taariikhi ah.

“Xaqiiqada la hubaa waa in kulankaasi dhacay. Waana arin wax ku ool ah, xataa haddaan si rasmi ah loo shaacinin.” ayuu yiri Yoav Galant oo intaas ku daray in talaabadan ay gogol-xaar u tahay xiriir diblomaasi oo ay sameystaan Sacuudiga iyo Israel.

Idaacadda ku hadasha codka dowlada Israel iyo Raadiyaha milatariga dalkaas ayaa labadaba si cad u baahiyey in Netenyahu Sacuudiga kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salamaan, iyo Wasiirka arimaha dibada Maraykanka, Mike Pompeo oo booqasho ku jooga Sucuudiga.

Pompeo ayaa isku dayayey inuu Sucuudiga ku qanciyo inuu qaado dhabbaha ay dhawaan mareen dawladaha Carbeed ee Imaaraatka, Baxrayn iyo Sudan oo uu cilaaqaad rasmi ah la yeesho Israel.

Hase ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa inkiray wararka sheegaya in ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu socdaal qarsoodi ah ku tegay dalkaas, lana kulmay dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -