Shiikh Soomow: “Mooshinka haddii uu sharci yahay Madaxweynuhu Baarlamanka ha tago”

Shiikh C/qaadir Soomow oo ka mid ah Culimada ugu caansan Ahlusuna Waljameeca oo ka hadlayey xaalada siyaasadeed ee ka jirta dalka ayaa maanta hadal kulul ka jeediyey kulan ka dhacay Muqdisho.

Kulankan oo qado ahaa ayaa waxaa ka qeyb galay La taliyaha Madaxweynaha Shiikh Cali Wajiis Culumaa’udiin, Odayaal iyo qeybaha bulshada, iyadoo looga soo horjeeday mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Shiikha oo hadalo Khiiro leh jeediyey ayaa mar kaliya jawiga goobta bedelay, isagoo sheegay in haddii Mooshinka laga keenay madaxweynaha sharci darro yahay meesha laga saaro, haddii uu sharci yahayna looga baahan yahay in Madaxweynuhu aqbalo oo uu hortago Baarlamanka.

“Mooshinku hadduu yahay Mooshin jaban hanaga dhaafaan Baarlamanka, haddii uu dhameystiran yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka sida uu u rabo haloogu hoggaansamo, Madaxweynuhuna ha tago, waxaa aaminsanahay shalay dadkii doortay berri waa dooranayAan Madaxweynuhu ee ha tago, shalay Ra’iisul Wasaaraha Britain Xisbigeeda ayaa mooshin laga keenay, Baarlamaanka ayay tagtay, waana guuleysatay, Madaxweynuhu hadduu Baarlamaanka tago waa guuleysanaa” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Waxaa uu soo jeediyay in aan qalad la sameyn oo aan Madaxweynaha laga dhigin nin sharciga ka horjeeda oo Baarlamanka kala qeybinaya loona baahan yahay inuu Baarlamanka iska xaadiriyo isagoo kalsooni isku qaba.

“Madaxweynaha nin sharciga diidan yaan laga dhigin aan ku dhiira gelino in Madaxweynaha baarlamanka tago oo gar baxo baarlamaanow idinkana gardaro ha sameynina”ayuu yiri Sheekh Soomow oo hadal khiiro badan jeedinayey.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda inay ogolaato isla xisaabtanka, isla markaana aanay caburin Baarlamaanka, isagoo xusay in shalay Ra’iisul Wasaaraha uu caddeeyay in la xisaabtanka uu ogol yahay, lagana rabo inuu ka dhabeeyo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -