Nin ku faanay in uu gudaha u galay Twitterka Madaxweynne Trump oo Su’aalo la weediiyay

Booliska Netherlands ayaa su’aalo weydiiyay cilmi-baare ammaanka internet-ka ah oo sheegay inuu ku guulaystay gelidda cinwaanka uu Twitter ku leeyahay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kadib markii uu ku nasiibsaday lambarka sirta ah.

Victor Gevers ayaa bishii hore shaaciyay inuu galay cinwaanka Trump ee Twitter isagoo isticmaalay lambarka sirta ah ee “MAGA2020!”.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa beeniyay in taasi ay dhacday, halka shirkadda Twitter ay sheegtay in aanay hayn caddeyn muujinaysa in cinwaanka Trump loo dhacay.

Balse Gevers ayaa sheegay inuu hayo xog dheeraad ah oo uu ku xaqiijinayo sheegashadiisa. Ma uusan shaacin waxa ay tahay xogtaas, balse qofka marka uu galo cinwaanka Twitter-ka qof kale waxa uu arki karaa xogo badan oo muhiim ah.

Waxa uu qofkaas la soo degi karaa dhammaan xogta milkiilaha cinwaankaas oo ay ku jiraan sawirrada iyo farriimaha.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad-oogga Netherlands ayaa xaqiijiyay inay su’aalo weydiiyeen khabiirka, balse aanay wax codsi ah uga iman dhanka Maraykanka.

Booliska ayaa hadda looga baahan yahay xaqiijinta in ninkan uu jabsaday cinwaanka Trump. Haddii dacwad-oogga ay u arkaan falka Gevers mid sharci darro ah, waxa uu mutaysan karaa illaa afar sano oo xabsi ah.

Gevers ayaa weriyayaasha u sheegay in 22-kii October uu “jabsaday” cinwaanka Trump uu ku leeyahay Twitter, waxaana warkan markii u horreysay tebiyay warbaahinta Vrij Nederland.

Cinwaanka Trump ee Twitter ayaa waxaa ku xiran ku dhawaad 89 milyan oo qof.

Khabiirkan ayaa sheegay in maalmo dhan uu ku dedaalayay sidii uu ku heli lahaa dadka ololaha u qaabilsan Trump si uu uga digo “dayaca” hasta cinwaanka Madaxweynaha, balse aanu ku guulaysan arinkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -