Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday in uu dhax dhaxaadiyo Madaxda Masar iyo Itoobiya

Dowladaha Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa u dhaxeeya xiisad ka dhalatay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya dhistay, waxaana dhawaan fashilmay wadahadal lagu dhameyn lahaa xiisad biyo xireenka ka dhalatay oo la filayay in uu ka dhaco dalka Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al Sisi ayaa qoraal uu usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uga dalbaday in uu dhax dhaxaadiyo Xukuumadaha Adis Ababa iyo Qaahira maadaama labada dhinacba xiriir dhaw la leeyahay.

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika Abuubakar Xifni Maxamuud oo warqada Madaxweyne Sisi soo gaarsiiyay Farmaajo ayaa sheegay in khilaafka labada dal u dhaxeeya oo gacan ka geesan karo xalkeeda madaxweynaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waa dal muhiim ah, oo xiriir fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xiriirkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xireenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. ayuu yiri kaaliyaha.

Waxa uu sheegay Kaaliyaha in wabiga Niil ahmiyad weyn u leeyahay dalka Masar kuna tiirsan yahay wabigaasi, waxa uuna sheegay hadii wabigaasi dhibaato u keeno biyo ireenka Wabiga Niil ay saameyn doono nolosha dadka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la leh madaxda Wadamada Itoobiya iyo Masar, lamana oga saameynta uu arintan ku yeelan karo Madaxweynaha Soomaaliya gacana uga geesan karo xalinta xiisada u dhaxeysa labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -