Wasiir katirsan dowlada Uganda oo Amar ku bixiyay arin amakaag ku abuuray shacabka !!

Dalka Uganda waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo rabshado watay ay dhigayeen taageerayaasha Musharax Madaxweyne Bobi Wine oo ay xireen ciidamada booliiska xili uu olole doorasho ku jiray.

Banaan baxyada rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Kampala iyo magaalooyin kale ayaa sababay geerida dad ka badan 30-qof iyo dhaawacyo kale oo badan, waxaana dadkan la dilay u badnaayeen taageerayaasha Siyaasiga Mucaaradka ee Bobi Wine.

Wasiirka amniga Dalka Uganda Elly Tumwine, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada booliiska xaq u leeyihiin in ay dilaan dadka hadii ay kiciyaan rabshado halis galin kara nafta ciidamada amaanka .

“Booliiska waxay xaq u leeyihiin inay ku toogtaan ayna ku dilaan haddii aad gaarto heer rabshado aad ku kacdo, wax micno ah oo aad ku dhimatay-na ma laha hadaba naftaada ilaalin. ” ayuu yiri Wasiirka Amniga Uganda.

Warkan kasoo baxay Wasiirka amniga dalka Uganda ayaa layaab iyo amakaag ku noqday shacabka oo aad uga careesnaa sida ciidamada ula dhaqmeen una laayeen dadka shacabka ah ee banaan baxyada dhigayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -