Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Iran oo laga helay Cudurka Coronavirus

Madaxweyne kuxigeenka Iran haweeneyda lagu magacaabo Masoumeh Ebtekar ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ sida ay ku Warantay warbaahinta dowlada .

Masoumeh Ebtekar waxay ka mid tahay 254 qof oo uu haleelay fayraska Coronovirus ee dalka Shiinaha kasoo bilowday.

Kiisaska ‘Coronavirus’ ee dalka Iiraan ayaa sare u kacay 106-kii 24-kii saac ee la soo dhaafay, wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ku dhawaaqday Khamiista.

Waa masuulkii 3aad ee ka tirsan dowlada iran oo cudurkan uu haleelo 48 saac gudahood
Gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Iran u qaabilsan siyaasadda dibedda iyo ammaanka qaranka ayaa noqday mas’uulkii labaad ee dalkaasi uu uga dhaco caabuqa dilaaga ah ee Corona.

“Baaritaanka la igu sameeyay ee Corona ayaa muujiyay inaan qabo cudurkaasi. Ma jiro wax laga walwalo. Hadda goob karantiilan ayaa ku suganahay. Haddii Alle idmo shacabkeena wey ka guulaysan doonaan Corona,” ayuu yiri mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Mojtaba Zolnour.

Waxaa Isniintii shaaciyay inuu cudurka qaaday wasiir kuxigeenka caafimaadka ee Iran, Iraj Harirchi iyo weliba xildhibaan kale.

Ugu yaraan 22 qof ayaa caabuqaasi ugu dhintay dalka Iran oo ay saaran tahay cunaqabateyn uu Maraykanka kusoo rogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -