Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Joe Biden oo qorsheynaya inuu qaado talaabo ku cusub taariikhda Maraykanka

Madaxweynaha la doortay Mareykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo ku cusub taariikhda Maraykanka oo ah inuu haweeney u magacaabo inay noqoto Xoghayaha Gaashaandhigga markii ugu horreysay taariikhda.

Michele Flournoy oo ah rug caddaa muddo ka shaqeyneysay Pentagon-ka, ayaa saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay tahay haweeneyda loo badinayo inay xilkan qabato.

Magacaabisteeda ayaa iman doonta kadib afar sano oo Pentagon-ka ay aheyd wasaarad aan xasilooneyn, oo ay soo mareen shan xoghaye, muddadii uu xilka hayey madaxweyne Trump.

Xoghayihii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga Mark Esper ayaa madaxweyne Trump waxa uu xilka ka qaaday Isniintii, kadib markii ay isku khilaafeen arrimo badan oo ay ka mid tahay in ciidamada Mareykanka laga soo saaro dalalka caalamka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir ka dhan ah Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho iyo Arrimaha looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay beesha uu ka soo jeedo ninkii fuliyey qaraxii Baladweyne

Caydiid Ali

Rajo sare oo laga qabo in la helo talaal looga hortago Coronavirus (COVID-19)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---