Shir ka dhan ah Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho iyo Arrimaha looga hadlay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan looga hadlayey sidii loo dar dar-gelin lahaa dagaalka ka dhanlka ah kooxda Al Shabaab, oo muddooyinkii lasoo dhaafay sababo farsamo hakad u galay.

Kulankan oo ka dhacay xarunta ciidanka howlgalka wadajirka ah ee dowladaha safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa howlgalada lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Waxaa ka qeyb galay kulankan taliyaha ciidanka howlgalka wadajirka ah ee doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Ambassador Thomas Chepkuto, saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Kenya.

Kulanka ayaa xubnihii ka hadlay sheegeen in muhiim tahay in la bilaabo howlgalo wadajir ah oo lagula dagaalamayo kooxda Al Shabaab, oo wali awood ku leh degmooyin iyo deegaanno badan oo dalka katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -