Hogaamiyaha Tigrey oo ka hadlay Weerarkii ay ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Asmara

Xoogaga hubeesan ee taabacsan maamulka Gobolka Tigrey ayaa xalay gantaalo ku garaacay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritria gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Hogaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia Debretsion Gebremichael, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada maamulkiisa gantaalo ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara.

Waxa uu sheegay Debretsion Gebremichael in ciidamada Eritrea qeyb ka noqdeen duulaanka lagu soo qaaday iyaga oo garab siinaya ciidamada Federaalka Itoobiya, waxa uuna sheegay in maalmihii lasoo dhaafay la dagaalameen ciidamada Eritrea.

Madaafiicda xoogaga Tigrey ku garaaceen magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa laga cabsi qabaa in xaalada uga sii daro ayna Eritrea si toos ah ugu soo biirto dagaalka ka dhanka ah maamulka Tigrey.

Gobolka Tigrey waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidamo daacad u ah maamulka Tigrey, waxaana dagaalkan uu sababay khasaaro badan oo dhimasho iyo barakac xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -