Ismaamulka gobolka Tigray oo digniin culus siiyey dowlada dhexe ee Itoobiya

Madaxweyne Ku-xigeenka gobolka Tigray ayaa ka digay in go`aanka aqalka sare ee Itoobiya ku gaaray in gobolkaasi laga goosto taageeradii la siin jiray uu uga sii dari doono xiisadda.

Hadalkiisa ayaa imaanaya kaddib markii Aqalka Sare ee dalkaas uu ugu baaqay Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed in xukuumaddu ay maalgelinta ka goosato dowladda Tigray kaddib markii uu gobolku qabtay doorashooyin-goboleedka kana dhega adeygay amarka guddiga doorashooyinka heer qaran

“Xukuumaddu waxay gobolka Tigray ka saareysaa nidaamka federaalka taasna waa mid aan gebi ahaanba la aqbali karin,” ayuu yiri Abraham Tekeste.

Balse dowladda Tigray ayaa diidday go`aankaas, toddobaadkii la soo dhaafayna waxay ku dhawaaqday inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka oo sheegtay inuu xiligii ka dhacay.

Afhayeenka Aqalka Federaalka ee Itoobiya Adem Farah ayaa ku eedeeyay dowladda Tigray inay si sharci darro ah u qabatay doorashooyinka gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -