Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo safar dhulka ah ku tegay Magaalada Cadaado (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Cadaado

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Madaxtooyada Cadaado ku soo dhoweeyay Maamulka degmada Cadaado iyo Masuuliyiin Ka tirsan Galmudug.

Qoor-qoor ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Cadaado, isagoo ka dibna u jeediyey hadal ku aadan ujeedada safarkiisa Cadaado iyo howlaha u yaalla.

Inta uu ku sugan yahay Cadaado Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshada.

Booqashada Qoorqoor ku tegay Cadaado oo ah tii ugu horeysay ee uu halkaas ku tago tan iyo markii loo doortay xilka ayaa ku soo beegantay xili degmadaas laga soo werinayo inuu faro ba’an ku hayo cudurka Coronavirus, ayna isbitaalka degmadaas ku dhinteen ugu yaraan shan qof oo cudurkan looga shakisnaa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Cali Guudlaawe & Dabageed habeenkii labaad ugu hoydeen Maxaas? (Sawirro)

Caydiid Ali

Milateriga Dowlada Itoobiya oo 24ka saac ee soo socda galaya Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka hadlay Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---