Musharaxiin kulan xasaasi ah ka yeeshay doorashada hogaanka Galmudug (Sawirro)

Labada Musharax ee u taagan tartanka doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug Jen. C/raxmaan Tuuryare iyo Cabdi dheere ayaa kulan wada tashi ah isugu yimid.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Galmudug iyo arimaha ka soo cusboonaaday.

Musharaxiintan ayaa isla faaqiday sida ugu haboon ee loo xalin karo caqabadaha ka taagan doorashada Galmudug ee dhowaan la filayo in la qabto.

Kulamada Wadatashiga ah ee musharaxiintan ayaa socon doona maalmaha soo socda si ay aragti mideysan uga qaataan isbedelada ka socda Galmudug iyo sida uu ay socoto diyaar garowga Doorashada.

Kulamada wada tashiga ah ayaa ku soo aaday xili khilaaf xoogan uu ka jiro hanaanka doorashada Galmudug ka dib markii dowlada federaalka iyo ahlu suna uu mid walba goonidiisa u magacaabay guddiga doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -