Musharax Madaxweyne oo sheegay in Taliska NISA laga diiwaan galinayo Xildhibaanada

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dadka doonaya in ay kamid noqdaan Xildhibaanada golaha shacabka ku qasban yihiin in ay tagaan xarunta NISA .

Siyaasigan hadalka adag ayaa sidoo kale sheegay in in xubnaha guddiga doorashada lagu soo hUbiyay xarunta Taliska NISA sidoo kale xubnaha doonaya in Xildhibaano noqdaan laga rabo in ay tagaan taliska NISA si loo soo hubiyo.

”Haddii aad guddiga doorashada ka mid noqoneyso waa in xarunta NISA lagaa soo hubiyaa, sidoo kale haddii aad xildhibaan dooneyso, waa in cidda damiinka kaa ah aad NISA geysaa.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu sidoo kale sheegay musharaxan u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya in lacag laga soo qaaday dalka Qadar oo loogu tala galay in Xildhibaanada la siiyo ay taalo xarunta Nabad Sugida Soomaaliya.

”Lacagta Qatar ee xildhibaanka la siinayo waxey taallaa xarunta taliska NISA. Dalka aafadiisa waxey ku soo uruurtay xarunta NISA iyo ninka ka taliya.” ayuu yiri hadalka kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalkan kasoo yeeray Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya dhawaan sheegeen in guddiga doorashada ku jiraan xubno badan oo katirsan NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -