Dayuurad UN-ku leeyahay oo diiday iney C/wali Gaas geyso Dhuusamareeb & Xog ku aadan sababta

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa diiday inuu raaco dayuurad ay leedahay QM oo uu ka soo raaci lahaa magaalada Gaalkacyo si uu u soo gaaro Magaalada Dhuusamareeb.

Arintan ayaa timid ka dib markii C/wali Gaas uu diiday in la baaro boorsooyin uu watay oo la doonayey in la saaro dayuurada iyadoo arintan uu ka dhashay muran saacado qaatay oo la isku mari waayey.

Shaqaalaha dayuuradda ayaa ku adkeysatay in aanay qaadin Madaxweyne Gaas iyo Mas’uuliyiintii la socotay baaritaan la’aan agabka ay wataan, iyadoo markii dambe ay diyaarada ka laabatay garoonka Gaalkacyo.

Saraakiisha Dayuuradda ayaa ku adkeystay iney waajib tahay in la baaro agabka ay madaxda wataan balse masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in la baaro agabka ay wataan.

C/wali Gaas ayaa waxaa la sheegay iney la socdeen ciidamo gaar ah oo hubeysan, waxaana saraakiisha dayuuradu ogolaadeen in hubkooda meel gooni ah lagu xareeyo, ciidankana ay dayuurada raacaan iyagoo sacbooley ah.

C/wali Gaas ayaa ka laabtay garoonka dayuuradaha Gaalkacyo waxayna wararku sheegayaan in loo dalbay dayuurad kale oo kiro ah si u soo gaaro magaalada Dhuusamareeb oo ay ku qulqulayaan madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, laguna qabanayo xaflada midowga ahlu suna iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -