Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay Xasuuq la sheegay in uu ka dhacay gobolka Tigrey

Xoogag taabacsan maamulka Gobolka Tigrey ayaa lagu eedeeyay in dad badan ku xasuuqeen magaalada Mai-Kadra , kadib markii ciidamada federaalka Itoobiya ka qabsadeen goobo ay horey u joogeen xoogagaasi.

Madaxa guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha Michelle Bachelet, ayaa sheegay in dambi dagaal uu noqonayo hadii la xaqiijiyo xasuuqa dadka shacabka ah loogu geestay Waqooyiga Itoobiya.

”Wararka sheegaya in dad badan oo rayid ah lagu laayay gobolka Tigray ee ku yaalla waqooyiga Itoobiya “waxaa uu u dhigmaa dambiyo dagaal” haddii la xaqiijiyo, ayuu yiri Michelle Bachelet.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo xasuuqa la sheegay in uu ka dhacay gobolka Tigrey, waxa ayna ka digtay Qaramada Midoobay in lagu xadgudbo dadka shacabka ah.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa xasuuqa ka dhacay gobolka Tigrey ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen xoogaga daacada u ah hogaamiyaasha maamulka Tigrey ee dagaalka kala soo horjeeda dowlada federaalka.

Hogaamiyaha maamulka Tigrey Debretsion Gebremichae, oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay xasuuqa la sheegay in ay geesteen xoogaga daacada u ah maamulkiisa ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada Itoobiya.

Waxaa adag in xogo badan laga helo dagaalka xoogan ee ka socda gobolka Tigrey, waxaana gobolkaasi laga jaray isgaarsiinta iyo Internetka taa oo adkeesay in xogo badan laga helo waxa dhacaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -