Itoobiya oo Kumanaan askari kala baxeysa gudaha Soomaaliya iyo Sababta keentay xiligan

Dowlada Itoobiya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in gudaha Soomaaliya ugala baxdo kumanaan askari oon qeyb ka aheyn howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM balse dalka u joogay in ay caawiyaan AMISOM.

Ciidamadan ayaa markii hore gudaha Soomaaliya kusoo galay ogolaansho la’aan, waxa ayna ku sugan yihiin deegaano iyo degmooyin katirsan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Saraakiil katirsan dowlada Itoobiya ayaa laga soo xigtay in ciidamada Difaaca Qaranka ee ku sugan gudaha Soomaaliya dib loo celinayo si ay qeyb uga noqdaan howelgalka ciidamada Federaalka kawadaan gobolka Tigrey.

Ciidamada Itoobiya ee dib ugu laabanaya dalkooda ayaa la syeegay in ay ka badan yihiin 3-kun oo askari, waxaana dalka baaqi kusii ahaan doona Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta AMISOM.

Dalka IToobiya gaar ahaan gobolka Tigrey waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo ciidamo daacad u ah maamulka TIgrey oo kahor yimid dowlada Federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -