Hogaamiye katirsanaa Kooxda Al Qaacida oo Howlgal qorsheesan lagu dilay

Ciidamada Faransiiska ee howlaha Nabad Ilaalinta u jooga dalka Mali ayaa dilay hogaamiye sare oo katirsanaa kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin oo katirsan Urur Weynaha Al Qaacida.

War kasoo baxay dowlada Faransiiska ayaa lagu sheegay in howlgal ay ka qeyb qaateen ciidamada Kumaandooska Faransiiska lagu dilay Hogaamiye lagu magacaabo Bah ag Moussa ayaa loo yaqaan Bamoussa Diarra.

Hogaamiyahan oo horey u ahaa Korneyl katirsanaa milatariga dalka Mali ayaa hada ahaa Hogaamiye ku xigeenka kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), waxa uuna kaalin fir fircoon ku lahaa howlgalada kooxdaasi.

Kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin ayaa awood badan ku leh gudaha dalka Mali, waxa ayna kooxdan fulisay weeraro badan oo khasaaro kasoo gaaray ajaaniib dalkaasi kunool iyo ciidamada dowlada Mali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -