Dowlada Soomaaliya oo Qalabeesay Ciidamo Dagaal loo diyaariyay (Daawo Sawirada)

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qalabeesay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay la dagaalamaan Al Shabaab si ay uga saaraan deegaano iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin qaar kamid ah gobolada dalka.

Ururka Dal-dhis ee Guutada 14 Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dawladda Federaalka u dhameystirtay Qalabkii ay ku Howlgali lahayeen , sida Hubka nuucyadiisa kala , Gaadiidka dagaalka iyo Agabyo kale oo ciidanka muhiim u ah.

Ciidankan ay dowlada federaalka Soomaaliya u dhameestirtay qalabkooda ayaa hada ku jira Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loo diyaariyay in howlgalo fuliyaan lana dagaalamaan Al Shabaab.

Taliye Ku-Xiggeenka XDS S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Booqasho dhiiri-gelin ah ciidankan ugu tagay, waxa uuna taliyaha u sheegay Ciidankaan in ay u diyaar garoobaan howlgalo ay dalka uga xureeyaan kooxaha uu ku sheegay nabad diidka.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa marar badan diyaarisay ciidamo ay ugu tala gashay in ay dagaal la galaan Al Shabaab, hasa ahaatee ciidamada dowlada ayaa inta badan isaga xareesan xeryo kuyaala Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -