Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tahriibayaal ku sii jeeday Yurub oo ku geeriyooday Badda Mediterranean

Sida ay sheegtay Q/Midoobey tahriibayaal tiradoodu gaareyso 74 ayaa geeriyooday kadib markii doontii ay la socdeen oo cilladi ku timid ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 47 kale oo la socday doonta qalibantay.

xeebaha Liibiya ayaa noqday meel inta badan marin u ah tahriibayaasha ka soo carary dalal badan oo Afrika u badan kuwaasoo doonaya inay gaaraan wadamada qaaradda Yurub, waxaana dadkaasi ay badda Mediterranean-ka kala kulmaan dhibaatooyin badan.

Ugu yaraan 900 oo qof ay doomo kula dageen sanadkan, iyadoo 11,000 oo kale lagu celiyay Libya, halkaasoo la sheegay inay kala kulmaan xarig iyo xadgudubyo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirada: Raanabood Qurux badan oo laga dhisay Muqdisho oo Xariga laga jaray

Caydiid Ali

(Sawirro) Wakiilo ka socday QM oo gaaray degmo 13 sano gacanta ugu jirtay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya

admin
Taboola Ads ---