Mahdi Guuleed: “Guddigii doorashada 2016 waxaa ku jiray xubno Xasan Shiikh la taliyeyaal u ahaa”

Raisal Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay guddiyada la magacaabay ee arrimaha doorashooyinka ee muranka badan uu ka dhashay.

Musharaxiinta Madaxweynaha u taagan ayaa sheegay in xubno ka tirsan NISA ay ku jiraan guddigaas, taasoo ay sheegeen inaan la aqbali karin

Mahdi Guuleed ayaa beeniyay in guddiyada la magacaabay ee heer Federaal iyo mid maamul goboleedba ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha Amniga.

Dadka ku eedaynaya guddigan inay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha Amniga ayuu sheegay iney meel uga dhacayaan sharafta xubnaha dhalinyarada ah ee loo magacaabay hawshan oo uu xusay iney yihiin dad Soomaali ah oo xaq u leh iney ka mid noqdaan guddigaas.

“2016 guddigii doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa ka mid ahaa 5 xubnood oo ka tirsanaa la taliyeyaashiisa, waxaana laga xusi karaa Avv. Cumar dhagey, Nafiso Geeddi oo ka shaqeyneysay xafiiska Madaxweynaha, C/raxmaan Shiikh Mucaawiye oo ka tirsanaa xafiiska raisul wasaaraha iyo xubno kale, guddigan hadda la magacaabayna Madaxtooyada waxaa uga jira Cabdinuur iyo in kale oo ka tirsan xafiiska RW” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo isbarbardhig ku sameynayey guddiga doorashooyinka ee hadda la magacaabay iyo kii sanadkii 2016 uu magacaabay Xasan Shiikh.

Waxa uu intaa ku daray Raisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar in cid kasta oo tuhun ka qabta arrintan ay dib u baaraan.

Musharaxiinta u tartamaya doorashooyinka soo socda ayaa waxay marar badan walaac xooggan ka muujiyeen soo magacaabista guddiyada doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -